Golaha xildhibaanada dalka oo ansixiyay qabyo-qoraalka bayaanka lagu aasaasayo koomishinka xuduudaha maamul iyo arimaha jinsiyada.

Golaha wakiilada shacabka ee heer fadaraal oo kalafadhi ay maanta yeesheen cod aqlabiyad ah (33 diiday iyo 4 ka aamustay) ku ansixisay qabyo-qoraalka bayaanka lagu aasaasayo koomishinka xuduudaha maamul iyo arimaha jinsiyada.

Koomishinkan cusub ayaa loo idmaday loona awood siiyay inuu xaliyo khilaafka iyo su’aalaha la xidhiidha xuquuqda jinsiyada (the rights of identity) iyo caqabadaha dhanka xuduudaha (administration borders) iyagoo ku samaynaya daraasaadyo lagu xaqiijinayo sheegashada iyo cabashooyinka ay qabaan bulshada (qowmiyadaha) kala duduwan ee dalkan itoobiya.

Koomishinkan oo si toos ah u hoostagaya xafiiska raysulwasaaraha Dr. Abiy Ahmed, isaguna soo magacaabayo (55 xubnood ayaa lasoo xulay oo hada diyaar ah sida aan ka helnay ilo xog’ogaal ah) ayaa ah mid saamayn wayn ku yeelan doona go’aan ka gaadhida deegaano badan oo dhulka soomaalida ah oo had aka hor muran la galiyay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.