Wararka naga soo gaaraya magaalada Maqaale ee ismaamulka Tigreega ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka xidheen 8 ruux oo ka tirsan xisbiga Arena Tigray kadib amar kasoo baxay kooxda TPLF.

Ilo wareedyo madaxbanaan ayaa Halgan Media u sheegay in 8da ruux shalay lagu xidhay magaalada Maqaale, kadibna xabsi loo taxaabay, waxaana lagu soo eedeeyay inay lug ku lahaayeen qorsho ka dhan ah Ismaamulka Tigreega.

Arena Tigray waa xisbiga mucaaradka ugu awooda badan oo ka howlgallo Ismaamulka Tigreega, waxayna caqabad weyn ku noqdeen Taliska TPLF oo ka arimiyo deegaanada Tigreega taas oo keentay In la beegsado xubnahado.

Halgan Media.