Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa qatay go’aan lama filaan, kadib markii darajada ciidanka uso ceeliyay Sadaq Cumar Maxamed ee loo yaqaano Sadaq John.

Go’aankaan oo dad badan ka yabisay ayaa si rasmi lagu baahiyay bogga rasmiga ay leedahay Villa Soomaaliya, iyagoo kusi daray in darajada garayo Saraaye Guuto oo u magacaaban yahay Sadaq John.

Sadaq John wuxuu ahaa taliye ku xigeenki hore ee Booliska ahna shaqsiga u adeegi jiray Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, xiliga ay kooxda Nabad iyo Nolol xukuunka dalka heysten, isago dembi waa weyn ka geystay dalka.

Sadaq John ayaa marar badan lagu eedeyey in uu tacadiyo isagu jiro qafaalasho, jir dil iyo weeraro u geystay isago xiran shaatiga dowlada, wuxuuna kamid yahay ragi hogaminayay weerarka lagu qaday xarunta xisbiga siyaaseed ee Wadajir ay dad badan naftood ku wayeen.

Go’aanka uu qatay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa abuuray hadalhayn iyo kala shaki aad uu badan oo dhex galay Taliyaasha ciidamada, sida aan kasoo xiganay sarkaal katirsan booliska Soomaaliya oo diiday inaan magacisa shacino anniga awgeed. 

Halgan Media