Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay salada Maqribka kadib qarax xoogan ciidamada AMISOM lagula eegtay gudaha tuulada Golweyn oo udhow magalaada Marka ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa dhacay xilli halkaasi ay ku socdaalayeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Shisheeyaha loo yaqaan AMISOM oo dulaan ku joogo gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in mid ka mid ah gawaarida AMISOM uu qaraxu haleelay, islamarkaana la sheegay in markii dambe ay ka jiiteen halkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada Shisheeyaha oo kusugaan Koonfurta iyo Bartaamaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.