Wararka naga soo garaya magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Fafaan ayaa sheegaya in koox burcad ah oo kasoo jeedo qowmiyada Oromada ay nin Soomaaliyeed Tooray ku dhaawaceen, waxayna dhacdadaan ka dhacday xaafada 11aad ee magaalada Jigjiga.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa shabakadda Halgan Media u sheegay inuu ninkan ay Kooxda Oromada Midida kudileen lagu sheegay magaciisa layiraahdo Cali Jowhar, wuxuuna kamid yahay dadka degaanka. Weli lama ogaan sababta ay Oromadu udileen, Laakiin waxaa ninkaan soo gaaray Dhaawac culus sida ay sheegeen dad kamid ah ehelkiisa oo la hadlay Halgan Media.

Qoyska Cali Jowhar ayaa la sheegay inay deegaan yihiin degmada Tuliguuleed, waxayna Halgan Media u sheegen in laamaha amaanka ay waxbo ka qabanin dhacda’daan foosha xun.

Magalaada Jigjiga waxaa muddadii u dambeysay kusoo batay dad Ajaanib ah oo kasoo jeedo qowmiyada Oromada Iyo Amxaarada oo ka geysto falal lid ku ah amaanka magalaada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.