Dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday farisin ay ciidamada Itoobiya ku leyihiin degmada Wajid ee gobolka Bakool.

Wariyaha uga soo warama Halgan Media gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalamayasha Al Shabaab ay xalay dhowr jiho ka weerarayn farisin ay ku lahayeen ciidamada Itooobiya ee Ku sugan degmada Wajid.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka madaama uu xili habeen ah dhacay, sido kale saraakisha Itoobiya ayaana wali ka hadlin weerarka xalay lagu soo Qaaday ciidamadooda.

Ciidamada Itoobiya oo dalka kuso duulay sanooyin ka hor ayaa ku xoogan gobolada Bakool, Bay, Gedo Iyo Hiiraan, waxeyna mar walba la kulmaan weerar joogta ah oo ka yimaado ururka Al Shabaab.

Halgan Media.