Wararka laga helayo caasimada dalka ee magalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalamayasha Al Shabaab ay xalay sarkaal katirsan Qaramada Midobe ku toogteen degmada Dharkeynleey.

Marxuumka la dilay ayaa magacisa lagu sheegay Nadir Maxamed Khayre, waxaana la toogtay xili uu hoygiisa u socday sida ay wararka sheegeyan, iyadoo Dableydii dilka geysatayna ay isaga baxsatay goobta uu dhibku kadhacay sida ay inala wadageen goobjogayaal kusugnaa halka uu dilka kadhacay.

Qaramada Midoobe weli kama aysan hadlin sarkaalkooda xalay lagu dhex dilay degmada Dharkeynleey ee magalaada Muqdisho, sido kale laamaha amaanka u qaabilsan gobolka Banaadir kama aysan hadlin dilka.

Degmada Dharkeynleey ayaa kamida goobaha magalaada Muqdisho amnigeeda uu aadka faraha uga sii baxeyso, taas oo keentay in ay dadka degaanka la kulman dilal iyo dhac joogta ah oo ay geysanayan kooxo aana heybtooda lagaraneynin.

Halgan Media.