Wararka nagasoo gaaraya gobolka Shabelle ayaa sheegaya in ay kooxo hubeysan ay dhac iyo afduub ugeysteen dad xoolo dhaqato ah oo kusugan deeganka Feerfeer.

Ilo deeganka ah aya Halgan media u xaqiijiyay isnintii laso dhaafay in koox hubeysan ay wiil xoolo kuraacayay deeganka daafihiisa ayka dhaceen 300 neef adhi ah,waxeyna sido kale wararka sheegayan in ay lakaxeyteen wiilkii ilaalinayay xoolaha.

Sida aan xogta kuhelnay dhacdadani ayaa salka kuheysa aanoyin qabiil oo mudoyinkan dambe katagnaa deeganka Feerfeer una dhaxeysa laba reer oo deganka wada daga.

Maamulka deeganka Feerfeer iyo kan Gobolka Shabelle ayaana wali kahadlin dhacdadani naxdinta leh.

Halgan Media.