Wararka ka imaanaya deegaanka Foyido ee Gobolka Gambella ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore rag hubeysnaa ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah.

Gaariga oo ahaa Kaarib, islamarkaana ay saarnaayen illaa saddex ruux ayaa kusocda duleedka degmada Foyido ee gobolka Gambella.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Idaacadda Halgan Media u xaqiijiyay in dhammaan dadkaasi ay dhinteen. Sidoo kale Kooxaha weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, walow aan la ogeyn heybtooda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.