Qarax loo adeegsaday Gaadhi oo Xalay ka dhacay Magaalada Kabul ee Caasimadda Dalka Afganistan ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaadle.

16 Qof ayaa ku dhintay, 119 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii gaadhigu qarxay isla-markaana dabkii ka baxayey uu qabsaday Kaalin Shidaal, taasi oo iyaduna Qaraxday, sida Warbaahinta Caalamiga ahi soo werisay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Xaafadda Green Village oo ah Guryo isku kaambool ah oo ay deggan yihiin hay’adaha gargaarka iyo Ururrada Caalamiga ah, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha Afganistan oo Magaciisu yahay Nasrat Rahimi.

Masuuliyadda Qaraxan ayaa waxa markiiba sheegatay Kooxda Daalibaan, waxayna sheegeen inay gudaha Xaafadda Green Village ku dileen Ajaanib badan oo halkaa ku sugnaa, isla-markaana burburiyeen Guryihii ay degganaayeen Shaqaalaha Hay’aduhu iyo xafiisyadii ay ku shaqaynayeen ee halkaa ku yaallay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.