Waxaa shalay Magaalada Muqdisho safar aan horey loo shaacin ku yimaaday Taliyaha Sirdoonka dalka Angola  Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa.

War qoraal ah oo hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ku baahisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in magaalada Muqdisho uu yimid Taliyaha Sirdoonka wadanka Angola, lana kulmay dhigiisa Fahad Yaasiin.

“Taliyaha Sirdaanka wadanka Angola Gen. José Luìs Caetano Higino de Sousa, oo booqaaho rasmi ah ku yimi magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasiin, waxayna kawada hadleen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khibrada NISA ay u leedahay la dagaalanka argagaxisada” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale waxa dhowr jeer oo hore ayaa waxaa si qarsoodi ah u yimid magaalada Muqdisho taliyayaal Sirdoon oo ajaanib ah, kuwaas oo la ogeyn u jeedada rasmiga ah ee ay u yimaadeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.