Wararka naga soo gaaraya galbeedka Gobolka Sitti ayaa sheegaya inuu maanta kulan ka dhacay degmada Danlaheylay oo u dhaxeeyo sarakiil Itoobiyan ah iyo oday dhaqameed bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Danlaheylay.
Sida aan xogta ku helnay degmada Danlaheylay waxaa la bedelay ciidamada Itoobiyanka ee kusugnaa deegaanka, waxaana lagu bedalay ciidamo cusub oo la socdo Saraakiil cusub, waxayna sarakiisha la kulmeen oday dhaqameedyo iyo dadka deegaanka.
Kulanka ayaa la sheegay inuu yahay mid ay ka qayb galeen bulshada ku dhaqan degmada Danlaheylay, waxaana Shacabka saraakiisha la wadaageen dhibaatadii ee ciidamadii hore ku hayeen shacabka ku dhaqan degmada Danlaheylay.
Degmada Danlaheylay, waxay kamid tahay goobaha u daran oo dagaalada ka dhacay ay sababeen khasaaro baahsan iyo barakac xoogan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.