Guddomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan oo hoggaaminayo wafdi ka kooban wasiirro xildhibaanno saraakiil ciidan iyo masuul kale ayaa hadda kulan la leh Hogaanka Nabad galyada ismamuulka Somali Galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Shabelle Aadan Axmed Sooyaan, saraakiil heer federaal iyo heer dowlad deegaanka soomaalida isugu jira.

Kulanka oo hadda ka socda Xaruunta xaruunta degmada Feer Feer waxaa looga hadlayaa sidii loo dhameyn lahaa dagaal qasaare geestay oo beelo walaalaha ku dhaxmaray deegaanka Aabaaleey iyo deegaanno dhaca xuduud beenaadka Hiiraan iyo Somali Galbeed.

Kulanka markii uu soo dhamaado ayaa lagu wadaa in warbaahinta aay madaxda labada kulanka uu usocda aay uga warbixiyaan.

Halgan Media.