War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay kheyraadka dalka, gaar ahaan heshiisyada la xariira arrimaha shidaalka dalka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay Madashu ka walaacsan tahay tartanka ruqsada todobada xirmo ee ay dhowaan soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya.

“Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho ah waxaa halis ah  in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada taagan” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uga digtay madaxda dowladda federaalka iyo shirakadaha shidaalka in aysan ku deg degin heshiiska iibka  xirmooyin shidaalka Soomaaliya, inta lagu guda jiro marxaladan kala guurka ah.

Wixi kasoo kordha Kala soco Halgan Media.