Qaar kamid ah Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay gudaha Soomaaliya. Askartaan waxaa lagu soo dhaweeyay Gobolka Liibaan ee dhulka Somali Galbeed.

Waxaana lagu xareeyay Xero Ciidan oo ay maamusho Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federalka Itoobiya oo badi la dajiyo Askarta dib uga laabato Soomaaliya.

Askarta dib ugu laabatay Itoobiya waxa ay ku sugnaayeen Gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya,

Itoobiya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oon laheyn tiradooda saxda ah, ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Soomaaliya ayaana isigu jira ciidamo ku howlala magaca AMISOM iyo ciidamo kale oon magacaasi huwaneyn.

Halgan Media.