Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro ismiidaamin ah lala eegtay xarun weyn oo ay ciidamada Shisheeye ee kasoo jeeda dalka Uganda ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolkaasi.

Sida aan xogta ku helnay, ilo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa Halgan Media u sheegay in nin xirnaa wax yaabaha qarxo oo gaari wato ayaa isku qarxiyay saldhig ay ciidamada Shisheeyuhu ku leeyihiin deegaanka Baraawe, kadibna ruux kale oo watay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxo ayaa dabagalay iyo islamarkiiba isku qarxiyay isla goobtii.

Ciidamada Shisheeyaha oo loo yaqaano AMISOM ayaa horay ka bilaabay inay rasaas ridaan, waxaana la arkay Qiiq oo qabsaday ciirka. Weli lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa lakiin Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Qaraxa.

Taliska AMISOM weli kama hadlin weerarka lagu beegsaday ciidamadooda. Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.