Wararka ka imaanaya gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in labo saraakil kana katirsanaa ciidamada KGS, qaybta Daraawishta ay isu dhibeen ururka Al Shabaab.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Halgan Media u xaqijiyay in labada sarakiil oo kala ah Hafow Gubow iyo Xussen Saney ay ka howl gali jiren degaanka Diinsoor ay xalay u gosteen, kadibna u gudbeen tuulada Misra oo Ku taalo duleedka Diinsoor, waxaana ka arimiya ururka Al Shabaab.

Mamuulka KGS iyo Dowlada Dhexe weli kama aysan hadlin saraakisha ka Gostay. Muddadii u dambeysay waxaa aad uso batay ciidamada katirsan KGS oo isu dhibayo Al Shabaab.

Dhawan bay aheed markii askar katirsan KGS ay isu dhibeen argagaxiisada Al Shabaab (Halkan riix sii aad u akhrisitiid) 

Halgan Media.