Wararka nagasoo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamda amaanka gacanta kusoo dhigeen ruux watay lacag been ah oo gaaraysa 873,000 sida uu sheegay wargeyska Addis Standard.

Ninkan oo aan magaciisa weli la shaacin ayaa lagu qabtay magaalada Gonder ee xarunta Ismaamulka Amxaarada, waxaana lacagta lagu qabtay xili uu safar ahaa sida uu sheegay wargeyska Addis Standard.

Sidoo kale shakhsiga la xiray ayaa la sheegay in loo wareejiyay dowladda Federalka Itoobiya, waxaana hada ninkan kusocdo baaritaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.