Lamaane ka katirsan ururka Daacish ayey maxkamada darajada koowad ee ciidamada qalabka side maanta ku xukumeeyn 15 sano sida ay sheegeen warbaahinta ku hadasho afka dowlada.

Lamaanaha oo lagu kala magacaabo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal ayaa la sheegay inay la baxeen magacyo been abuur ah sida ay is ka qariyan laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Labadooda ayaa howlgallo lagu qabto sedax bil ka hor. Dayib ayey maxkamada ka sheegey in uu qabilsanaa sameynta walxa qarxo, halka ay Xaliimo u qabilsaneyd soo dhaweynta xubnaha katirsan Daacish, Waxaana jiro shabakad abaabulan oo ku sugan Muqdisho oo ay maamusho kooxda Daacish.

Ururka Daacish ee garabka Soomaaliya oo soo if baxay 2015kii ayaa awoodooda inta badan ku ek tahay buraha gobolka Bari balse sanooyinka ugu dambeyey waxay wadaan isku dey in ay isku fidhiyan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Halgan Media