Sawir : Jamal Diriye

Waxaa xilka iska casilay Jamal Diriye Khalif oo kamid ahaa lataliyaasha aadka ugu dhow madaxweynaha ismamulka Somali Galbeed, Mustafa Cagjar.

Jamal Diriye oo mudda dheer ahaa lataliyihii dhanka sharciyada Iyo xuquuqul insaanka ayaa qoraal uu kuso bandhigay bartiisa Facebook-ga, isaga oo xilka iska casilayo.

Is casilada Jamil Diriye ayaa imaanaysa asbuc Iyo bar kadib markii xilka uu iska casilay Komishineer Ku xigeenka Booliska degaanka Somalida mudane Cali Samir Sigad.

Waxaana hada magalaada Jigjiga ka taagan xiisad siyasaaded, siida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo Diblomasiyadeed oo halkaasi kusugan.

Halgan Media.