Wararka nagasoo gadhaya Jabuuti ayaa sheegaya in lix Oromo lagu dilay dalka Jabuuti.

Dadka Oromada ee ku nool Magaalada Jabuuti ayaa sheegay in lix xubnood oo iyaga ka mid ahaa la dilay, kuwo kalena la dhaawacay,halka Dukaamo ay la haayeen la boobay.

Qaar ka mid ah Dadka Oromada ee ku nool Jabuuti ayaa sheegay in ay ku suganyihiin nolol cabsi leh islamarkaana dowladda Jabuuti ay kaliya cambaareysay waxa dhacay.

Wargeysku waxaa uu sheegay in dilalka dadka Oromada ah ee Jabuuti ay inta badan Habeenkii dhacaan Booliskana aysan faragelin,waxaa uu intaas raaciyay in weerarrada ka dhanka ah dadka Itoobiyaanka ah ay yihiin aargoosi.

Todobaadkii hore ayaa Somali farabadan lagu dilay magaalada Diridhaba ee dalka Ogadenia waxaana xigay in Dowladda Jabuuti ay dadkeeda diyaarado kula baxdo.

Inta badan Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Jabuuti ayaa u badan Qowmiyadda Oromada oo hadda uu dagaal kala dhaxeeyo Soomaalida.

Oromada ayaa inta badan dad Soomaali ah ku leysay dhulka ay wadaagaan labada Bulsho,waxaana xigay dilal dad Itoobiyaan ah loogu geystay Jamhuuriyada Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.