Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa waxay sheegayaan in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay dad shacab ah oo tiradooda naloo sheegay 15 qof ku xidh xidheen degmada Qamuda oo kamid gobolka Doolo, kadib u taxabeen xabsi ku yallo degmada Yucub.

Dadkan shacabka ayaa waxaan helay qaar kamida magacyadooda waxaana kamid ah,

  • Maxamed Dahir 
  • Adan Dhaga Sood
  • Xussen Cali Baadi
  • Farax Dhurwaa
  • Xamdi Adan
  • Ahmed Maxamed Muuse

Maleeshiyadka Liyuu Booliska oo ah calooshood ushaqaysteyaal  ayaa dhibaato caqliga bini’aadamku qiyaasi karin ugaystay shacabka, waxayna wali usii oo manyihiin dhiiga shacabka aan waxba galabsan ee Gumaysiga Itoobiya ku hoos jira,

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.