Wararka nagasoo gadhaay bariga Ogadeniya ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Liyuu Booliska dad shacab ku afduubeen xaduud beenadka u dhaxaaysa Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya iyo gobolka Qorahay ee dalka Ogadeniya.

Maleeyshiyo ka tirsan Liyuu Booliska ayaa 10 qof ka afduubtay gobolka Hiiraan, kuwaasoo ahaa Beeraley, waxaana sidoo kale hore u sii qaateen 5 Gaadiid oo ah nooca loo yaqaano Cagaf Cagafta.

Arrintan ayaa ka dhacday Deegaanka Xuday Wagle Oo Qiyaastii 35KM dhanka Waqooyi Ka xiga Magaalada Baladweyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan. Waxaayna dadka ay afduubteen la aadeen Degmada Feer Feer oo ah Xadka Soomaaliya iyo Ogadeniya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay tallaabadan, waxaana ay sheegeen in aysan garaneynin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qafaalashada dadka Shacabka ahaa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.