Wararka naga soo garaay gobolka Qorahay ayaa sheegaya in Liyuu Booliska ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Qabalaha Baraajisaale ku tallo duleedka degmada KudunBuur kadib markii saacadihii la soo dhaafay dagaal uu ku dhexmaray Maleeshiyaad Beleed.

Liyuu Booliska ayaa kala dhexgalay Labo beelo oo maanta ku dagaalmay Qabalaha Baraajisaale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyadan ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan Baraajisaale.

Weli jiro wax dadaallo dhexdhexaadin ah oo la soo wariyay ee ku aadan dagaalka ka dhacay qabalaha Baraajisaale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.