Wararka nagaa soo gaadhay gudaha gobolka Shabelle ayaa sheegaya inay Liyuu Booliska jirdil xoogan u geysteen Maxamed Xassan oo ah guddomiyaha degmada Imeey Bari.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u sheegay inuu Falkan geystay Kornaylka ciidanka Liyuu Booliska haysta oo ka hawlgala aagaas. Kornaylkan ayaa magacisu yahay Kornayl Geeljire.

Jidh dilkan ayaa dhacay kadib khilaaf aroornimadi saaka ahayd soo kala dhex galay gudomiyaha degmada iyo kornaylka ciidanka

Walow aan lasheegin khilaafkoodu waxa uu salka ku hayo, goobjoogayaal kusugan goobtaas ayaa noo xaqijiyay in dad shacab ah oo kusoo yaacay meesha, qaarkod gacan qaad loo gaystay iyago intaa lagu darayo in la kaxaystay dad rayid ah oo ay maxaabiis yihiin

Wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.