Wararka naga soo gaadhaya gobolka Faafan ayaa sheegaya in Liyuu Booliska Tacadiyo kala duwan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka kusoo dhacaya Xafiska Halgan Media ee magalaada Jigjiga ayaa sheegaya in ay Liyuu Booliska hal mar kuso dateen tuulada Daarimi ee hoos timaado degmada Tuliguuleed, kadibna Xadhig Iyo jidh dil u geysteen dadka rayidka ee ku dhaqan tuulada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Halgan Media u sheegay in Liyuu Booliska ay qaar kamid ah dadka ku dhaqan tuulada ay qab qabten, xili ay wadeen Howlgallo, sida ay hubka ka dhigan dadka degaanka.

Dad farabadan oo kasoo horjeedsatay amarka Liyuu Booliska ay la sheegay in jidhdil xoogan iyo xadhig loo geystay.

Hoos ka daawo Sawiirada

Maleeshiyadka Liyuu Booliska oo ah calooshood ushaqaysteyaal loo carbiyay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato caqliga bini’aadamku qiyaasi karin ugaystay shacabka, waxayna wali usii oo manyihiin dhiiga shacabka aan waxba galabsan ee Gumaysiga Itoobiya ku hoos jira.

Halgan Media.