Wararka laga helayo degmada Galaadi ee bariga gobolka Dollo ayaa sheegaya in ay Liyuu Booliska xalay bandow kuso rogeen degaanka, kadib markii isku dhacyo dhex maray qar kamid dadka shacabka.

Siida aan xogta ku helnay, dad goobjoogyal ayaa Halgan Media u sheegay inuu dagaal dhex maray labo dhalinyaro, kadibna ciidanka Liyuu Booliska oo goobta joogay ayaa bilabaay in ay rasaas cirka ku rideen, oo ku dhawaad 10 daqiiqo socday.

Taas ayaa la yab ku noqday dadka shacabka oo goobta joogtay, waxaana dadka dareemen cabsi xog leh siida ay sheegan dadka degaanka.

Rasaasta kadib ciidamada Liyuu Booliska ayaa gebi ahaanba xidhay jidaadka iyo isgooyska muhim, kadib bandow kuso rogay degaanka Galaadi.

Halgan Media.