1969 talada wadanka Soomaaliya waxaa gacanta ku dhigay Ciidamadii Qalabka siday oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Jaale Maxamed Siyaad Barre waxaana uu hayay talada dalka 21 sano.

Muxuu qabtay Kacaankaas Barakaysnaa? Laga soo billaabo 1956kii ilaa 1969kii maamulka dalka hayay dowlado ay taagdarrada iyo habacsanaanta u dheerayd musuqmaasuq, qabyaaladd, Fowdo iyo kala dambeyn la’aan joogta ahayd.

Ammaankii iyo kala dambeyntii ayaa faraha ka baxay, dagaal joogta ah ayaa qabiillada ka dhex aloosnaa, ilaa la gaaray in beeluhu ay meel walba ku diriraan.

Waxaana dhibaatadu ay noqotay mid sii baahda oo dowladihii magaceeda u bedesha Dowlad Musuqmaasuq uu la degay, waxaana fowdadii iyo nabadgelyo darradii ay ku biyo shubatay in ( AUN ) Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharmaarke uu toogto askarigii loo xil saaray badbaadintiisa, iyadoo la adeegsaday muruqa ciidammadii dowladda ee markaas jiray iyo weliba maalkii qaranka, waxaana laga daliishan karayay halkaas in musuqmaasuqa iyo fowdada uu heerka ugu sarreeyay tegay.

Doorashooyinkii dhacay 1958, 1964 iyo 1969kii waxaa si bareer ah warqadihii cod bixinta ugu shubtay xisbigii SYL ee dhallinyarada, dhowr magaalo oo dalka Soomaaliya ku yaallay ayaa dadweyne aan waxba galabsannin lagu laayay, waxaana dadweynihii xilligaas ay ku calaacalayeen Xooggii Dalkoow Maad naga qabataan dugaagga iyo diiratada dowladnimada sheegtay.

Marka la qiimeeyo hormarkii dalka uu ku tillaabsaday 7dii sano ee maamulkii kacaanka ugu horaysay waxaa amaan iyo in kabadanba Maxamed Siyaad Barre waa uu mudnaa, runtii waxaa la oran karaa Soomaaliya waligeedba 7daas sano oo kali ah ayay dowlad dhab ah oo tiirar adag ku taagan ka yeelatay 21/07/1976 illaa 1/7/1976kii awooda maamulka dalka waxay ku jirtay gacmaha Golaha Sare ee Kacaanka oo uu hormuud ka ahaa jaale Maxamed Siyaad Barre. 7daas sano waxaa jirtay yididiilo wacan iyo himilo Soomaalinimo waxaa bulshadu ka nasatay kana raysatay marxaladii masiibada iyo dhibka badnayd,taasoo laga dhaxlay maamulkii tabarta darnaa ee dowladii masuqmaasuqa ahayd, waxaa la helay hanaan maamul oo ku socda asluub, kala danbayn iyo wada tashi, waxaana wadanku uu ku tilaabsaday hormar tayo leh oo deg deg ah.

Sidoo kale Kacaanku wuxuu mowqif cad ka istaagay qaddiyadda bariga dhexe iyo Israel, waxaana uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre tilmaamay in Soomaalida oo dowlad Islaam ah ay bariga dhexe waxa ka socda ka soo hor jeeddo, waxaana kacaanku dhaliilay siyaasadda Israel ee ku aaddan dadka dhulkooda xoogga lagu haysto, Siyaad Barre oo xusuusinaya illoowsha dhowida Yuhuudda waagii Hitler ayaa Khudbad uu jeediyay munaasabaddii 21ka October 1971kii kula taliyay yahuudu inay joojiso arxan darada ay ka wado Barriga dhexe.

Guulaha siyaasadda dibedda ee uu kacaanku gaaray ka sokow, towraddii barakeysneyd ee uu majaraha u hayay (AUN) jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu isbeddel gun iyo baar ah ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya. Axdigii Kacaanka 21ka Octoobar ee xagga siyaasadda gudaha

21kii Jannaayo 1973dii waxay ahayd maalin weyn oo Soomaalida baal dahab ah ugu qoran, waa maalin aan weligeed xusuusteenna ka tirmi doonin, waa maalintii la hir geliyay qorista far Soomaaliga

Kacaanku wuxuu meel mariyay mashruucii libineed ee ahaa “Ololaha hirgelinta farta Soomaaliga iyo Horumarinta reer Miyiga” Kumanaan isugu jiray macallimiin iyo arday ayaa loo diray berrin kastoo udub aqal Soomaaliyeed ka mudan yahay, waxaana bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay “Haddaad taqaan bar.. haddaadan aqoonnin baro” raadiyaha qaranka ee RADIO MUQDISHO ayaa laga baahiyay guubaabo la xiriirtay wax tarka qorista fartu u leedahay horumarka dalka iyadoo erayadii guubaabada ahaa ay ka mid ahaayeen:

In kasta oo kacaanku guulahaas gaaray haddana waxaa jirtay in sanaddadii dhexe ee toddobaatameeyadii ay towraddu dejisay xeerka qoyska, kaasoo sida xeerku dhigayay simayay haweenka iyo raga, aragtidaas waxaa si aan gabbasho lahayn uga dhiidhiyay qaar ka mid ahaa culuma-u diinkii xilligaas joogtay oo soo qaatay aayadda dhaxalka ee kala sarreysiinaysa raga iyo dumarka, waxaana ay ku doodeen in xeerkaasi uu khalad yahay kana hor imaanayo shareecada Islaamka, buuqii iyo dooddii ayaa waxa ay dhalisay in dhammaan culumadaas la soo xirxiro, ka dibna maxkamad la saaro, waxaana lagu xukumay dhammaantood dil toogasho ah, in kastoo markii dambe Allaha u wada naxariistee la toogtay dhammaantood.

Sanadkii 1977kii ayaa waxaa dalka Soomaaliya uu dagaal aad u kharaar la galay gumaysiga  Itoobiya oo tiro ciidan iyo tiro dadba ka badan, waxaana dagaalkaas intii uusan billaaban labada waddan ay isku soo hubeynayeen jabhadaha ka soo kala hor jeeday, sidoo kalena waxaa saldhigyo la kala siiyay jabhadahaas, Horraantii 1976kii aasaaskii XHKS ayey Soomaalidu billowday nidaamka ay ku taageeraysay Jabhadaha oo la hubeeyo lana geliyo gudaha Itoobiya, balse Soomaalidu xilligii jabhadeynta waa ay inkirtay in ay dagaalka jabhadaha gobanimo doonka ahi wadeen, waxaana ay ku sheegtay in ay yihiin jabhado gudaha Itoobiya ka dagaallamaya waxaan ay ahayd HEESTA JABHADAHA GOBANIMADOONKA SOOMAALIYEEDEE GALBEED.

Dagaalkaas waxaa uu qarxay sanadkii 1977kii waana dagaalka ay Soomaalidu u taqaan 77, kaasoo xudduudda dheer ee ay labada waddan wadaagaan ka socday, waxaana Soomaalida ay markaas weyday taageeradii reer galbeedka iyo tii reer Bariga ee dhinaca ciidammada, dagaalkii 77 waxaa sida uu general Maxamed Cali Samatar oo ahaa ninka dhinaca ciidanka ugu darajada sarreeyay ku sheegay Soomaalida ciidammada uga dhintay dagaalkaas inay ahaayeen 5.500 askari tan iyo dagaalkii Balanbal ee u dambeeyay ee sanadkii 1978kii.

Waxaana sidoo kale uu sheegay in sababaha jabka dagaalkaas ay ahaayeen xaalado la xiriiray isbahaysi la’aan dhankooda ah, iyo weliba dhinaca kale oo reer Galbeed iyo reer Bariba ku taageereen dhinaca ciidanka iyo qalabka, waxaana uu sabab uga dhigay General Cali Samatar Itoobiya oo diin ahaan ay is xigeen iyo dad iyo dhul ahaan oo ay Soomaalida ka badnayd.

Soomaaliya oo waagaas loo yiqiinnay kuwa ugu ciidan fiican waddamada Afrikada Madow ayaa muddo gaaban ku gaaray goobo gudaha dalka Itoobiya ah, waxaana ay ku dhowaadeen magaalada caasimadda ah ee Addis-ababa, hase yeeshee horraantii bishii Maarso 1978kii ayaa xulufadii Itoobiya oo ahayd waddamada Ruushka, Kuubba, Yemen, iyo Liibiya waxay soo jebiyeen Soomaaliya ciidammadeedii, waxaana waqti yar ka dib idaacaddii Radio Muqdisho laga maqlayay hees ahayd Galbeed waa la xoreeyay, Waarsaa gaagixisay.

Waxaa taariikhyahannada iyo dadkii goobjoogayaasha ahaa ay xusuustaan in waddaniyadda iyo is jacaylka ciidanka iyo dalkuba ay gaartay heerkii u sarreysay.

Sidoo kale waxaa la is weydiin karaa siduu Sarreeye Guud MAXAMED CALI SAMATARBA uu sheegay sababihii ay ciidammada Soomaalidu xilligaas u soo jabeen, waxaana dadka xaqiiqada u dhowi ay sheegayaan, in ay sabab u ahayd cilaaqaadkii shisheeye oo ay Soomaalidu cawda u jartay, tusaale, dagaalka oo meel adag maraya ayaa dowladdii Soomaalida waxay xiriirkii ka jaratay waddanka Midowga Soofiyeeti 13kii November 1977kii xilligaas oo ahayd xilliyadii dagaalku u adkaa, waxaana go’ay xiriirkii iskaashiga dhinaca ciidammada ee Midowga Soofiyeeti ay la lahayd Soomaalidu oo soo taxnaa tan iyo 1963kii ka dib markii ra’isul wasaare Cabdirashiid uu booqashada ku tegay Moscow.

Dhinaca kale waxaa socday dacaayadaha labada dhinac ay is weydaarsanayeen ee la xiriiray dagaalladaas, waxaana idaacadda kacaanka ka baxayay heeso kala cayn ah oo ay ka mid ahaayeen MINGISTOW WAR LI’IDAA WALEE WAR LI,IDII Ka dib markii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya lagu soo jebiyay Soomaalida ayaa waxaa saraakiishii hoggaamineysay ciidammadii dagaalka galayay weliba kuwoodii safka hore joogay ay isku dayeen inay inqilaabaan dowladdii Maxamed Siyaad Barre 9kii Abriil 1978kii, in kastoo inqilaabkoodii la fashiliyay waxaana loo xirxiray inqilaabkaas koox ka mid ahayd saraakiishii wadday inqilaabkaas.

Dalka wada hogaanka, Laga soo billaabo 1986kii siyaasiyiintii iyo saraakiishii milateri ee ka soo hor jeeday dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo joogay dibadda kuma aysan guuleysannin hadafkoodii ahaa inay mideeyaan jabhadahaan weyraxsan ee dhallinyarada reer miyiga ah hubeysatay, iyo waxa ay yeeli doonaan haddii dowladda Siyaad Barre la rido toona, waxaana dareenka hadafkoodu uu xiriir la lahaa meelaha ay ka soo kala jeedaan.

Jabhaddii SNM waxa ay iyadu ku doodeysay wax ka duwan wixii magacoodu uu ka turjumayay kaasoo ahaa in ay ka xoroobaan Soomaaliya, halka magacooduna uu tibaaxayo inay yihiin jabhad u dhaqdhaqaaqda Soomaaliya oo idil, taasina waxaa lagu fasiray inay ku beer laxawsanayeen saraakiishii beeleed ee ka soo hor jeedday dowladda ee hubku gacanta ugu jiray ee aan degaankooda ka soo jeedin, waxaana ay jabhaddani billowday dhaqdhaqaaq ciidan, weerarro jabhadeyn ah oo lagu qaado xarumihii dowladda iyo dilal jidka loo galo dowladda ah, waxaana arrintaasi ay dhalisay in sanadkii 1988kii weerar ay dowladdu ku qaaddo xarumihii ururka SNM oo ay ugu weyneyd rugta wadaamagoys iyo qaybo ka mid ahaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, waxaana dowladdu tallaabadaas milateri ay ku soo ceshatay awooddii ay ku lahayd waqooyi galbeed.

Jabhadihii hubeysnaa ayaa ku batay Soomaaliya iyadoo meel walba ay ka billowdeen dagaallo iyo fowdo, dalkuna uu noqday mid xaalad qallafsan ku jiray, waxaa Muqdisho iyo gobollada dhexe ay noqdeen kuwo jabhaduhu ka dagaallamaan, taasoo dhalisay in ugu dambeyntii 26kii Jannaayo 1991 xukunka laga rido Allaha u naxariisyee Maxamed Siyaad Barre oo markii dalku sii qasmayna u ambabaxay dalka Nigeria halkaas oo uu markii dambena ku geeriyooday.