Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya ayaa lagu weeraray, xilli ay ku sugnaayeen degmada Wagtara ee Ismamuulka Axmaraada.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay Rasaas ku fureen ciidamadaasi, xilli ay marayeen Bartamaaha degmada Wagtara.

Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhintay, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay xaqiijiyeen idacaada ee ledahay dowlada Itoobiya loo yaqaano FANA.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in Saakay howlgallo ballaaran ay ka wadaan qeybo ka mid ah Wagtara, kadib weerarkii ka dhacay degmadaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.