Magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Fafaan  waxaa ka soconaya qabanqaabadii ugu danbeysay Aaska meydka Alle ha u naxariisteen Abwaankii Soomaaliyeed Maxamud Cabdullaahi Ciise Sangub.

Abwaanka oo bilihii ugu danbeeyayba xanuun la ildarnaa ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.

Abwaan Sangub ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka dhinaca Sugaanta ugu magac-dheeraa guud ahaanba gayiga Soomaaliyeed, waxaana lagu tirayaa in uu yahay Abwaankii lahaa ruwaayadihii ugu badnaa ee loogu jeclaa Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ku dhashay Ogadeniya (Somali Galbeed) horaantii 1944tii waxana uu ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badan oo caan ka ah dalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.