Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyda ayaa la sheegay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi lagula bartilmaamedsaday duleedka magalaada Baydhabo ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka oo la hadlay Idaacadda Halgan Media  ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, basle aan la cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Sikastaba ha’ahaatee kolanyadan ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay ka ambabaxeen Baydhabo, kuna sii jeedee dalkooda Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.