Allahu naxariistee, waxaa maanta magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub oo kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed kuwooda ugu magac dheera.

Abwaanka ayaa lagu soo waramayaa in uu u geeriyooday xanuun muddo hayay sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Allaha u naxariistee abwaan Sangub ayaa inta uusan ku laaban magaalada Addis Oo uu ku geeriyooday ayaa waxa uu maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Makka ee barakeysan halkaas oo uu kusoo cimreystay.

Rabbi ha u raxmadee abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub ayaa waxa uu kamid ahaa abwaanada Farakutiriska ah ee ka haray haldoorkii abwaanada Soomaaliyeed isagoona caan ku ahaa curinta gabayada ,iyo heesaha kuwaas oo qaarkood uu uga hadlayo midnimada umadda Soomaaliyeed iyo sida ay lama huraan u tahay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.