Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 40 qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray sadex qarax oo ismiidaamin ah oo ay kooxda Boko Xaram la beegsatay goob ay dad badan ku daawanayeen ciyaaraha kubada cagta.

Weerarkan ayaa Axadii gelinkii danbe ka dhacay deegaanka Konduga ee nawaaxiga magaalada Maiduguri. Dowlada Nigeria ayaa sheegtay inay filayaan in tirada dhimashada ay sii  kororto.

Waa weerarkii ugu cuslaa sanadkan oo ay maleeyshiyaadka Boko Xaram ka geysato dalka Nigeria.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.