Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreyso Dowladda Itoobiya.

Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa soo magacaabay ,Meaza , xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixiyay inay hoggaanka u qabato maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya.

Waxaa maalimihii ugu dambeeyay dalka Itoobiyay qaar kamid ah xilalka ugu sarreya la siiyay haweenka dalkaasi. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Sahle-Work Zewde loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo dalka Itoobiya Madaxweyne ka noqota.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.