Madaxweynaha dalka Turkiga  ayaa markii ugu horraysay waxaa uu Boqortooyada Sucuudiga si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga,” Wuxuu ku qoray Madaxwayne  Erdogan maqaal kusoo baxay wargeyska the Washington Post.

Balse isaga oo xeerinaya xiriirka saaxiibtinimo ee Turkiga kala dhaxeeya Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

Wariye Khashoji  waxaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul, Wali meydkiisa meelna laguma sheego, iyadoo Yasin Aktay oo lataliye u ah Madaxweyne Erdogan uu sheegay in uu rumaysan yahay in maydka ninkaasi lagu baabi’iyay aashito kaddib markii jirkiisa la jarjaray.

Dilka oo markii hore ay qariyeen mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa uu dhaliyay dhibaato dhanka diblumaasiyadda ah oo ka dhex aloosantay Sucuudi Carabiya iyo xulafadeeda.

Dowladda Sucuudiga ayaa markaasi kaddib waxa ay xirtay 18 qof oo laga shakisan yahay kuwaas oo lagu maxkamadayn doono gudaha dalka Sucuudi Carabiya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.