Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Bandowga bilaabanaya 7-da fiidnimo oo Muqdisho ay kusoo rogtay Xukuumada Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa  waxaa uu sheegay inay jiraan dad duruufo kala duwan aysan u saamaxeen inay Guryahooda Afur ku karsadaan  Go’aanka dowladdana uu keenayo in dad badan ay Afur waayaan.

Sidoo kale  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  waxaa uu Madaxda Dowladda Somalia ka dalbaday  inay arrintaasi dib u eegis ku sameyso.

Shabakada Halgan Media.