Ciidamada amaanka ee Gobolka Bari ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay kusoo qab qabteen waxyaabaha maanka dooriya oo isugu jiray Khamri iyo Xashiish.

Howlgalka inta uu socday ayaa ciidamada Puntland waxa ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen dadkii ka ganacsanayay Khamriga iyo Xashiishka la qabtay, waxa ay sidoo kale ciidamada qabteen lacag laga sameeyay waxyaabahaasi maanka dooriya.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Bari oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu bur burinayay khamriga iyo Xashiishka ayaa sheegay in laga keenay waxyaabahan maanka dooriya dalka Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.