Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo qaban qaabisey kulan looga hadlay Qorshe Howleedka Jubbaland ee Shanta Sano ee soo socota.

Kulankaan oo ka dhacey Hotel Agan ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa daah furey  Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Luga Dheere waxaana ka qayb qaatey Wasiirada Jubbaland,Agaasimayaasha,Maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu socdey kulanka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Jubbaland ayaa soo bandhigtay waxyaabihii ka qabsoomey qorshe howleedka hadda gabagabada ah,waxaana si wayn looga doodey sida ugu macquulsan ee loo fariisin karo Qorshe howleedka Shanta Sano ee soo socota.

Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere oo Kulanka ka hadlay ayaa Wasiirada Iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Jubbaland iyo kan  Gobolka  Kula Dardaarmay in ay ka wada shaqeeyaan qorshe si qoto dheer u haga Jubbaland Muddada  Shanta Sano ee soo socota.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.