Wararka naga soo garaay gudaha Itoobiya gar ahaan ismamuulka Oromada ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay qof shacab ku dileeen gobolka Wollega.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka aan akhlaaqda lahayn ee Itoobiya looyaqaano ee ka amarqaata Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa dilal kagaystay degmada Nakemete.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa lasheegayaa in uu maalin nimadii shalay kadhacay degaanka Nakemete ee dhulka Oromada, halkaas oo ciidanka Itoobiya ay kudileen wiil dhalinayaro oo aan waxba galabsaniin oo udhalatay qoomiyada dhulkooda lagu bahdilo ee Oromada. Waxaana magaciisa naloogu sheegay Naol Misganu.

Ismamuulka Oromada a ee gacanta gumaysiga kujira ayaa sheegaya in wali Gobolkaas uu kasii socdo dhibaatooyinkii lagu hayay shacabka la gumaysto ee Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.