Taxanaha dhiig baxa shaqala’aanta deegaanka oo dabarka go’satay sida laa ogyahay misaniyada sanadeedka ee dawlada federalka Itoobiya siiso deegaanka ayaa waxay dhantahay 28 billion oo birr marka laga reebo deeqda gaarka ah ee ay siiyaan deegaanka he’yadaha iyo deeq bixiya yaasha caalamka.

Iyo sido kale cansuur sanadeedka ka soo baxda gobolada iyo deg-mooyinka deegaanka tirada shacabka deegaanka ku nool ayaa waxaa lagu qiyaasa tiro dhan 8 million oo qof hadii loo qaybiyo cala qof mushahaar ahaan misaniyada ah 28 billion qof walba waxay u gaadhaysaa 70000 kun oo birr.

Hadaba sanad walba waxaa jamacadaha dalka ka soo qalinjabiya dhaniyaro badan oo ku hubaysan culuunta sayniska qaatana shahaadooyinka dhigriiga heerka koobad iyo heerka 2baad dhalintas kama helaan wax shaqo ah xafiisyada dawlada.

Deegaankuna malahan kambaniyo iyo shirkado ha’yado ay ka shaqa galaan aqoonyahanka deegaanku sida darteed dawladu uma samayso shaqa abuur iyo shaqalaysiin ayado qadashada iyo xulashada shaqaalaha cusub ay hadhaysay garabayshan eex iyo nin jecalaysi lagu kala xigsado laguma kala qaato aqoonyahanka deegaanka.

Sido kale waxaa xidhan oo albaabada loo laabay xafiiska shaqalaysiinta deegaanka ee( CPAda) halkaas oo waxba laga shaqalaysiin aqoonyahankasta marku mudo 3 bilood ah ku noqnodo ayuu ka samra.

Hadaba boqolaalan aqoonyahanka deegaanka ah ayaa camala’aan u jooga gobolada iyo casimada kuwaas oo aad kula kulmi meheradaha shaaha goobaha fadhi ku dirirka ayago ka raja dhigay dhisida mustaqbalkooda iyo helida shaqo ku filan.

Arinkaas oo moraal jab ku riday jiilalkii wax baran lahaa kadib markay arkeen kuwii ka horeeyay oo shaqala’aan ah ayaguna ay ka loox tuureen wax barashadii.

Arintaas oo kaliftay in shaqale ka noqdan xafiisyada muhiimka ah ee deegaanka dadkale oo u dhashay qomiyadaha itoobiya sida iskooladka jamacadaha iskadhsiinta bangiyada jibriyada iwm.

Hadba xukumada deegaanka oo aan u samayn wax qorsha ah aqoonyahanka deegaanka ayaa waxay ka dhigtay tirada shaqala’aanta muwaadiniinta aqoonyahanka ah 100%70.

Shafi Dulane Halgan Media Jigjiga