Magalada Jigjiga ee casimada deegaanka somalida ayaa waxa maanta laga bilaabay in laa qabqabto dadka aan xidhnayn mask afka lagu duubto.
Wadooyinka wawayn ee halbowlaha ah dhex mara magalada iyo kuwa xafadaha dhex mara ayaa maanta waxa lagu soo daadiyay ciidamo aad u tiro badan sida ciidanka gaarka ah Liyuu Booliska kuwa arbaaba badanaga ee banaan baxyada ka hortaga iyo boliska caadiga ah.
Ciidamadan oo joojinayay noocyada kala duwan ee gaadiidka sida bajaajta basaska gaadiidka xamuulka iyo dadka socda lugaynahaya wadooyinka xafadaha iyo suuqa dhexdiisa aygo dadka aan wadan “Face Mask” laga reebayo babuurta iyo bajaajta loona kaxaynayo xarunta booliska ayado halka laga qaadayo lacag laguna amrayo inusan mardanbe soo bixin soo aadin magalada “Face Mask” la’aan.
Hadaba qofka ah shaqaale dawladeed waxa lagu ganaaxayay lacag dhan 1000 birr qofka aan ahayn shaqaale dawladeed sido kale waxa lagu ganaaxayay 500 birr arinkan oo layaab ku noqotay shacabka Jigjiga wax digniin hore ah naa aan ka haysan ayay khasab ku noqotay inay iska bixiyaan.
Shacabka deegaanka oo badana ah dad camal la’aan ah ama sabool ah magaladana ka soo raadsada nolol maalmoodkooda oo ah dad xoogsato ah ayaa lacagta inta dhan layaab ku noqotay.
Amarkan waxa u ka soo baxay xukumada deegaanka waxana lagu wargaliyay qaybaha ciidanka inay fuliyaan amarka cida aan qabina xabsiga laa dhigo lagana qaado oo lagu cadadka soo dayo lacagtan kor ku soo sheegnay.
Hadaba mar aanu xuuranay in kisas cusub oo covid-19 ah laga helay magalada sida darteed naa dawladu tilaabooyinka u qaadayso waxaan soo ogaanay inaysan jirin wax dad ah oo laga helay ama looga shakiyau caabuqa carona virus.
Shafi Dulane.