Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Oromada ay xasuuq bahsaan kawadaan magalaada Moyale ee gobolka Libaan.

12 ruux oo shacabka Somaliyeed ah ayay maleeyshiyaadka Oromada galabta kudileen magalaada Moyale iyo 6 kale dhawaac gadhay. Xogta aan helnay wuxuu sheega in dadkaasi si arxan dara loo laayay.

Weriyaheena kusugaan magalaada Moyale ayaa xaqijiyay inay maleeyshiyaadka Oromada wadaan weraar culus lagu talagalay in shacabka Somalida la barakiciyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.