Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegay in maleeshiyo u kasoo jeeda qawmiyada Oromada oo hubaysan ay weerar ku qaaday beeraleey Soomaaliyeed oo aan waxba galabsanin balse loo xasuuqay oo kaliya inay Soomaali yihiin. Dadkan la xasuuqay ayaa waxay degan yihiin meesha la yidhaahdo Jincasleey oo aan aad uga fogayn magaalada Jigjiga ee caasimada Ogadenia.

Warkan ayaa intaas ku daraya in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee la xasuuqay oo tiro ahaan naloogu sheegay 7 qof sida la xaqiiyay ay ka soo wada jeedaan hal qoys. Sidoo kale warkan ayaa sheegaya in dhaawacyo kale oo kamid ah shacabkii Soomaaliyeed ee lasoo weeraray ay ku jiraan kuwaas oo xaalad adag qaarkood ay ku sugan yihiin.

Waxaa kale oo gabi ahaanba la qaatay wixii hanti ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ay lahaayeen oo aad u tiro badnaa. Hadaba waxaa hoos ku xusan magacyada shacabka sida xaqdarrada ah loo xasuuqay oo kala ah sidan soo socota:-

1. Cabdisalan mohamed mohamud
2. Cabdi khadar mohamed haji
3. Ahmed ow mohamed nuur
4. Cabdulaahi yuusuf
5. Cabdi nuur muuse
6. Ismaacil mohamed ali
7. Xasan cabdi ducaale

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media