War hada nagasoo gaadhaya Magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in maleeyshiyaad hubeysan la wareegeen Bankiga magalaasa Gaalkacyo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Halgan Media u sheegay in maleeyshiyaad ay yihiin dad kaso jeedo magalaada.

Mamuulka waqooyiga Galkacyo ayaa xaqiijiyay in maanta Barqadii maleeyshiyaadka ay gudaha u galeen Bankiga, islamarkaana ay joojiyeen dhammaan shaqooyinkii socday, kadib markii ay booban lacag farabadan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.