Maleeyshiyaadka Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa shalay ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo Dowlada Soomaaliya waxaana ay iclaamiyeen daagal ka dhan ah dowladda.

Af-hayeenka Maleeyshiyaadka Ahlu Sunnah Wal Jameeca,  Ibraahim Xaashi Cosoble oo warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Kooxda Ahlu Suunah, islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadday degaannada Galmudug iyadoo adeegsanaysa ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsanaan jiray Argagxiisada Al Shabaab.

Sidoo kale Maleeyshiyaadka Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dowladda Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka la socod-siisay in cawaaqibka dagaalkaasi ka yimaada ay mas’uuliyaddiisa qaadayso dowladda Soomaaliya.

 Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.