Wararka nagasoo garaay gobolka Sitti ee dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in ay Maleeyshiyaadka Canfaarta weerar ku qadeen qabalaha Madane oo udhow degmada Garbo Ciise.

Ilo wareedyo oo aad lagu kalsoonan kaaro ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu dagaal fool ka fool dhex marey shacabka Soomaaliyeed kusugaan qabalaha Madaane iyo Maleeyshiyaadka Canfaarta oo weerarka soo qaaday.

Dad kusugaan goobta oo dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in ay labada dhinac rasaas xoogan isdhaafsanayeen, waxaana la sheegay in dagaalka lagu jebiyay Maleeyshiyaadka Canfaarta oo dullanka soo qadaay. Siido kale in ka badan 12 ruux kasoo jeedo qomiyada Canfaarta oo goobta dagaalka ku dhintaay ayaa laga furay hubka ay wateen.

Kadibna markii dagaalka lagu jebiyay Canfaarta, waxaa goobta dagaalka garaay ciidamada federalka Itoobiya, islamarkii waxaay bilaabeen in ay rasaas ku furan shacabka Somalida.

Rasaasta ayaa sababay in ay kala cararaan shacabka Soomaaliyeed oo hubeysnaa, taas waxaay fursad uu noqotay Maleeyshiyaadka Canfaarta iyo Ciidamada Itoobiya oo iskashanaayo in ay ku dataan gudaha qabalaha Madaane.

Gudaha markii ay u galeen qabalaha Madane, waxaay bilabeen in ay cid walba rasaas la dhacaan, waxaana weerarka ku dhintay 8 ruux, halke ay in ka badan 10 ruux ku dhawaacmeen.

Weli maa jiro war kasoo baxaay mamuulka Mustafa Cagjar ku aadan Xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya iyo maleeyshiyaadka Canfaarta ka geysteen qabalaha Madane, waxaana aad usi bataay muddadi u dambeyay weerarada ay Canfaarta kuso qadaan shacabka Somalida ku dhaqaan galbeedka gobolka Sitti.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.