Wararka nagasoo gadhaya galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya inay maleeyshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda Qomiyada Canfaarta kasoo gudbeen xadka u dhexeeyo Somalida Iyo Canfaarta, kadibna weerareen Qabalaha Calaale oo katirsan degmada Cadayti

ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Canfaarta rasaas hore ka bilabeen markii ay gudaha u galeen Qabalaha Calaale

Rasaasta waxaa ku dhintaay hal Qof oo shacab ah, waxaana ku dhawaacmay 5 kale siidi ay sheegan dadka degaanka

Dhinaca kale, weerarka kadib waxaa goobta gaadhay Gariiga oo Qaado dadka dhawaacmay loo yaqaano Ambulance, kadib markii oo Ambulance-ka Qaaday dadka dhawaac ah kooxda huwanta oo kasoo jeedo Qomiyada Canfaarta ayaa rasaas ku furay Qaadhiga Lakiin weli lama ogow hadi oo rasaasta ciidna wax yeelay

Niinka lagu dilaay weerarka ayaa magaciis noo lu sheegay Mumiin Rooble Geedi iyo 5-ta Qof oo Ku dhawaacmay weerarka waxaan kaliye magacaada hal niin kas oo ah Adan Cabdullahi

Tadoobadki hore ayey aheeyda marka isla qabalaha Calaale ay 15 ku dileen iyo weli Mamuulka Mustafa Cagjar kama hadlin xasuuqda lagu haayo shacabka Reer Siri iskabaa dhaaf inay tilaabo ka Qadaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.