Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus ee maleeyshiyaadka Canfaarta ku qaadeen tuulada Masalu oo qiyaastii 20 kilometer u jiro degmada Cadayti ee galbeedka gobolka Sitti.

Maleeyshiyaadka Canfaarta ayaa la sheegay in ay ku daateen gudaha tuulada oo ay gacanta ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Maleeyshiyaadka ay gubeen Maqaaxi ku taalla halkaasi, waxaana weerarka ku dhawaacmay hal qof oo shacab ah, waxaana magaciisa naloogu sheegay Cabdallah Saciid Waberi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo qeybo ka mid ah galbeedka gobolka Sitti ee dalka Ogadenia.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.