Wararka nagasoo gadhaay galbeedka gobolka Sitti ayaa sheegaya inay Maleeyshiyaadka Canfaarta weerar ku qadeen qabalaha Cobole oo udhow degaanka Alaale ee gobolkaasi.

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inay Canfaarta kuso dateen qabalaha Cobole kadina gudaha u galeen, islamarkii rasaas ku fureen ciid walba.

Weerarka ka dhib waxaa la sheegay inay Canfaarta ka baxeen qabalaha Cobole, iyaga oo usocday dhanka xaduudka Canfaarta.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’egyahay.

Siido kale weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Mamuulka Mustafa Cagjar oo ku aadan dagaalkaasi.

Shabakada Halgan Media.