Wararka laga helayo Galbeedka gobolka Sitti ayaa ku warramaya in Maleeyshiyaadka Canfaarta ayaa weerar la beegsaday degmada Danlaheylay, kadib gudaha u galeen degaankaasi.

Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen Maleeyshiyaadka Huwanta ee weerarka soo qaaday iyo shacabka Somalia Ku dhaqaan degmada Danlaheylay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, Ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in Weerarkan oo ku dhintaay hal Qof iyo laba kale oo Ku dhawaacmay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Mamuulka Ku sheegaga Jigjiga oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.